Arimaha Bulshada, News, Puntland News NEWS
Isku dhaca Shirkad isgaarsiineed iyo Idaacad siweyn looga dareemay Magaalada Boosaaso
Published by prime on May 30, 2012
Halkani waa Skysom.net, ku soo dhawoow kana daalaco Markasta Wararka Soomaaliya kuwa Caalamka iyo weliba Arimaha Bulshada iyo Sports-ka
3dii Maalin ee ugu dambeysay magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ahna magaalo ganacsiga Puntland waxaa ay hadal heyntu aheyd isku dhac iyo xifaaltan siweyn loo dareemay oo u dhexeeyay idaacad ku taala Magaalada kana howlgasha deegaanada kale ee Puntland iyo Shirkada ugu Caansan isgaarsiinta Puntland ee loo yaqaan Golis.
Dadka ayaa la fadhiya goobaha lagu shaaho isku dhacan dhexmaray labadan isgaarsiin oo si rasmi ah u soo shaac baxay maalin nimadii talaadada markii Shirkada Golis ay Shir jaraaid u qabatay warbaahinada kale ee ka dhisan magaaladaasi.
Idaacada Daljir oo ah idaacada ay isku dheceen shirkada Golis ayaa iyana laga dhageysanayay barnaamijyo lagu dhaliilayo adeeg ka mid ah adeegyada shirkada kaasi oo laga galay dhinacyo badan islamarkaana ay ka qeyb qaadanayen dadweynaha magaalada.
Waxaa iyana jirta oo kuu xaqiijinaya isku dhacan in uu yahay mid weyn oo keeni karta in la buun buuniyo, markii ay cadeysatay shirkada Golis in ay Hawada ka saartay mobilada gacanta ee ay wataan qaar ka mid ah wariye yaasha u shaqeeya Idaacada Daljir.
Masuuliyiinta Shirkada Golis oo ka hadlayay Barnaamijka ay Sameysay Idaacada Daljir ayaa ku macneeyay mid guuldaro ku ah Idaacada Islamarkaana ay bilaabeen Isbaaro saxaafadeed.
Faarax Xaaji Mire oo ah Maamulka Shirkada Golis ayaa hadal u ekaa dacwo u diray laamaha Maamulka ee ku shaqo leh arimahan sida wasaarada warfaafinta isagoo u sheegay in hadii aysan dowladu wax ka qaban wax uu ugu yeeray isbaaro saxaafadeedka ay noqondoonto arin qatar keenta.
Maamulka Idaacada Daljir qeybteeda Boosaaso oo isna saxaafada u qabtay shir saxaafadeed ayaa arinka ku sheegay in sida loo arkay aysan aheyn ayana fileyn in sidaasi loo fahmi doono Brogram-ka ay ka sameeyeen adeeg ka mid adeegyada shirkada,
Waxa uu sheegay in shirkada ay dhaliil yeelan karto taasina ay tahay tan shacabweynaha ay kaga qeyb galeen barnaamijka aysana mar walbaa amaanneyn.
Sikastaba xaalku ha ahaadee Dadweynaha ku dhaqan magaalada ayaa iyagu si weyn u dareemay dhacdooyinkan iyagoo ka dareemay dhinacyo badan sida Cilaaqaadkii shirkada ee Idaacada oo meesha ka baxay, maadaama wariye yaasha idaacada ay ka sheegayaan in aan laga soo wici karin qadadka Golis, iyadoona shirkada Golisna ay qabaneyso kulamo saxaafada kale ay isugu yeereyso kaasi oo ay ku shaacinayaan sida ay dhankooda wax u jiraan.
Dalmar
SkySom











