Arimaha Bulshada, Ganacsiga, News NEWS
Reer Facebook, Lacag ayaa laga dhigi doonaa bogaga aad ku leedihiin Wajibuuk, La socda
Published by prime on May 24, 2012
Halkani waa Skysom.net, ku soo dhawoow kana daalaco Markasta Wararka Soomaaliya kuwa Caalamka iyo weliba Arimaha Bulshada iyo Sports-ka
Warar si hoose uga soo baxay qaar ka mid ah la taliye yaasha ninka iskale mulkiyada boga sida weyn dadka aduunku ugu jiraan labadii sano ee la soo dhaafayna noqday bogaga wada xiriirka bulshada ee loogu badanyahay Facebook ayaa sheegaya in dhowaan webkaasi laga dhigi doono mid lacag ah maadaama uu iminka free yahay.
Qormooyin aan dhameystir la heyn islamarkaana loo marayo wada dib u habeyn la sheegay in lagu sameynayo boga ayaa waxaa ku xusan in boqolkiiba 14 ay bixin doonaan dadka ku jira ama user ee boga u diiwaan gashan, taasi oo lagu kaabi doono isbedelada cusub ee bulshada loogu talagalay.
Laba todobaad ka hor ayaa la shaaciyay qaarkood qormooyinkan iyadoo loo bandhigay saxaafada in boga uu galayo howl culus oo lagu casriyeynayo, waxaase aan wararkaasi lagu shaacinin oo laga reebay in lacag laga dhigayo boga.
Afhayeen aqriyay qodobada xiligii la shaacinayay ayaa waxaaa ugu dambeeyay hadaladiisa in qarash culus uu ku baxayo dib u casriyayntan balse umuusan bandhigin bulshada rayidka wax fee ah oo ay bixin doonaan.
Dalal ka tirsan Yurub oo siweyn looga daalacdo Bogan ayaa iminka laga dareemay qaabkan cusub ee isdiiwaangelinta lagu lacageynayo waxaana ay badankood tibaaxeen in ay tahay arin iyaga dhankooda ufudud, waxaa sidaasi ay ku cadeyd qodob ka mid ah qormooyinka aan dhameyska tirneyn ee la helay, waxaana sidoo kale ku xusnaa in arintani tijaabo ay ku socoto wadamo uu ka mid yahay dalka New Zeeland
Prime
Skusom











