News, Wararka Soomaaliya NEWS
Dastuurkii Ansixintiisa loo fadhiyay magaalada Muqdisho oo maanta la ansixiyay
Published by prime on August 1, 2012
Halkani waa Skysom.net, ku soo dhawoow kana daalaco Markasta Wararka Soomaaliya kuwa Caalamka iyo weliba Arimaha Bulshada iyo Sports-ka
Maanta magaalada Muqdisho caasimada dalka waxaa lagu ansixiyay dastuur cusub Mudo 43sano ka dib waxaana ansixiyay ergada odayaasha dhaqanka ay soo xuleen ee u diyaarsanaa ansixinta dastuurka .
Madaxda DKMG ah ayaa halkaasi ku sugnaa gaar ahaan raiisul wasaaraha xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Cabdi wali gaas ayaa isagu ka mid ahaa oo halkaasi ka jeediyay qudbad aad u sareysay taasi oo uu kaga hadlayay dastuurkan la ansixiyay
waxa uu gaas sheegay in maanta ay taariikhi u tahay umada soomaaliyeed islamarkaana ay waji cusub oo nidaamleh uu ufurmay sidaas awgeedna looga baahan yahay in ay ka faaiideystaan.
Waxaa la sugayaa oo xigi doona sida lagu rajo weynyahay in la guda galo soo xulitaanka Baalaman cuusb oo kooban iyo weliba magacaabista madaxweyne cuusb oo ay Soomaaliya yeelato.
sikastaba ha ahaatee umada Somaaliyeed ayaa ka rajo dhowraya waxyaabaha uu dastuurkani ka bedelo xaalada dalka iyo siyaasada ka jirta.
Number of View :163











