News NEWS
Dood ku aadan Arimaha Siiriya oo la isula soo Baxay Hub Tv kuyala Joordan
Published by admin on July 30, 2012
Halkani waa Skysom.net, ku soo dhawoow kana daalaco Markasta Wararka Soomaaliya kuwa Caalamka iyo weliba Arimaha Bulshada iyo Sports-ka
Dhibaatooyinka iyo Qalaasaha ka socda dalka Suuriya waxa ay noqdeen kuwo sii dheeraada oo Mucaaradka iyo Dowlada dalkaasba ay isla maraan marxalado cajiib ah taasi oo hareysay dunida carabta oo dhan.
Doodan Waa dood layaab leh oo dhexmartay xildhibaan iyo Siyaasi ku xeel dheer arimaha Carabta gaar ahaan dalka Siiriya , waxaana ay noqotay mid siweyn u soo jidatay shicbiyada maadaama la isla soo baxay Hub sidii ay doodu u soconeysay
Tv ku yaala dalkaasi Joordan ayaa doodan u qabtay labadan masuul waxaana doodu aheyd mid si gaar ah diirada loogu saarayay Arimaha dalkaasi siiriya lakin wariyihii waday dooda ayaa xakameyn waayay ka dib markii uu mid ka mid ahi masuuliyiintaasi la soo baxay baastoolad kuna fiiqay dhigiisa ay doodu kala dhexeysay.
Waxaa xanaaqay ninkii kale oo u istaagay masuulka la soo baxay hubka ka dibna waxay isula tageen gacanta ilaa ay isugu booteeyaan in ay luuqa usu sugi doonaan.
Halkan ka daawo sida ay wax u dheceen.
Number of View :184











