Safiirkii Dalka Venesueala u fadhiday dalka Kenya Kenya oo Meydkeeda La Helay
Published by prime on July 29, 2012
Nairobi: Waxaa maanta oo Sabti la xaqiijiyay in la helay meydka safiirkii Hore ee dalka Venesueala u fadhiday dalka Kenya haweyneyda lagu magacaabi jiray olga fonseca,waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in meydka laga helay gurigeeda oo ku yaal xaafada Runda oo ka tirsan magalada nairobi.
Ciiidamada amaanka dalka kenya ayaa baaritaano ay sameyen waxa ay ku sheegen in dilkani loo hayo dhowr qof ka tirsan shaqaalaha safaaarada Venesueala ay ku leedahay dalka kenya kuwaasi oo lagu tuhun san yahay in lu ku leeyhiin dhimashada haweeneydan safiirada u ahayd dalka Venesueala,
Dilkani ayaa la sheegay in uu ka yimid ka dib markii la Ceejiyay safiirada,waxaana sidaa saxaafada u sheegay ciidamada amaanka magalada Nairobi oo ah halka falkani uu ka dhacay.
Geestiisana taliyaha ciidamada Anthony Kibuchi ayaa warbaahinta u sheegay in la qabtay dad gaaraya 4 ruux kuwaasi oo laga soo kala qabtay safaarada iyo guriga ay ka daganeyd haweyneydan magalada nairbobi baarina ay ku wadaan kuwa laga shakisan yahay ee ay soo qabteen.
Warar kale oo dheerad ah ayaa sheegaya in ay horey u jireen isku dhac ka dhex dhacay safiirkii hore ee Venesueala u fadhiyay dalka kenya ninka lagu magacaabo Da Silva kaasi oo shaqada haatan ka tagay muddo ka hor waxaana wararka ay sheegayan in haweyneyda la dilay ay shaqada ka Eriday dhamaan shaqaalihii soo dacweyay safiirkii hore ee shaqada ka tagay.
ugu danbeytiina ciidamada amaanka magalada nairobi ayaa balan qaaday in ay soo qaban doonan dadkii ka danbeyay dilka Abasadorada waxaana ay intaasi raaciyeen in baaritaankooda haatan uu marayo meel wanaagsan .
Mohamed Abdirashiid
Skysom Nairobi—-Kenya
Number of View :79