Ciyaaraha, News NEWS
Real madrid oo u dhaw in ay 35 milyan ku soo xero galiso Luka Modric iyo totenham oo Eegaysa Moutinho si ay ugu badisho Modric
Published by prime on July 14, 2012
Halkani waa Skysom.net, ku soo dhawoow kana daalaco Markasta Wararka Soomaaliya kuwa Caalamka iyo weliba Arimaha Bulshada iyo Sports-ka
Kooxda Boqortooyada ah ee Real madrid ayaa u dhaw in ay soo xero galiso kubad sameeyahay kooxda Toten ham iyo Xulka Croatia markii xidigan iyo naadiga Boqortooyada ah ay ku heshiyeen heshiis shakhsiyeedka uu ugu wareegayo kooxda Reer boqortooyo ee Real madrid
Kooxda Totenham ayaa iyadu u dhaw in ay aqbasho dalabka kooxda ee ah in ay xidigooda ku fasaxaan 35 milyan uguna wareego kooxda boqortooyada aha ee Los Blancos
Real madrid ayaa xidigan waxa ay si toos ah ugula wareegaysa xidigan 35 milyan asbuuca soo socda sida laga helayo warar ku dhaw dhaw kooxda Spurs EE Totenham
Kooxda toten ham ayaa horay u diiday dalabka kooxda Madrid ee Luka markii ay soo bandhigtay xidigan 28 milyan taas oo Real ku qasabtay in ay kor uqaado dalabka xidigan iyada oo ka dhigtay lacag kor u dhaafaysa 35 milyan
Waxaa macquul ah in difaaca Ricardo Carvalho iyo laacibka qadka dhexe ee xulka Turkiga ee Nura Sahin ay macquul tahay in ay ku biiran kooxda Totenham si dayn ah hadii ay Spurs ka dhaga adeegto xidigan
Sahin ayaa isagu qiray in uu sii jogayo Barnabu xili ciyaareedka soo socdalkn waxaa macquul ah in Real ay kaga faaidaysato kubad sameeyahanqatarta ah ee reer Croatia si ay usoo xero galiso
Paris santi Germany iyo Chelsea ayaa iyaguna la xiriiray gudoomiyaha kooxda Toten ham ee Dany Levvy si ay ula wareegaan 26 jirkan Modric lkn waxa uu Luka ku adkaystay in uu rabo inuu xili ciyaaredka soo socda ka ciyaaro horyaalka La liga
Intaa ka dib macalin Vilass Boass waxaa uu atarget buuxda ka dhigtay kubad sameeyaha kooxda Porto ee Joe moutinho oo uu rabo in uu ka badalo xidigan ka sii baxaya kooxda waxana uu madaxiisa du dhigay 22 milyan si uuu u helo xidigan reer Portugal
Porto ayaa og in xidigooda laga baadigoobayo horyaalka England lkn waxa ay ku adkaysanaaysaa in ay xidiganku fasaxi doonto 30 milyan kooxdii rabatana farta laga galin doono hadii ay bixiyaan lacagtaas
Fantastic
Skysom.net











